Por: Yusuf Said Hersi

Sábado, 10 de outubro de 2026

Hassan Sheikh Maxamuud foi duas vezes presidente da República Federal da Somália. Nos dois mandatos que liderou, suas principais metas incluíam: 'Somália em acordo, mundo em acordo' e 'O homem do clã termina tudo'.

Se hoje eu me basear nessas metas, surge a pergunta: até que ponto a Somália está em acordo hoje?

publicidade

Na minha visão, em vez de a Somália se aproximar como esperado, as divisões políticas intensificaram-se. A Somalilândia estabeleceu novos acordos e relações com atores internacionais, incluindo Israel. A Puntlândia desenvolveu fortes laços com os Emirados Árabes Unidos, enquanto a Jubbalândia mantém estreitas relações com o Quênia e os EAU. No Sul da Somália, existe um conflito político grave, enquanto no Hiiraan e outras regiões há atividades que indicam que a confiança no governo central está sendo minada. Isso confirma que o Hiiraan estabeleceu laços com Al-Shabaab.

Sidaas darteed, su'aashu waxay noqoneysaa: Soomaaliya ma isu timid mise way sii kala dhaqaaqday?

Waxaa kaloo mudan in la xuso hal-ku-dhegga labaad: 'Qabyo ninkeed ayaa dhameeya.' Xasan Sheek maanta wuxuu gacanta ku hayaa dowlad uu leeyahay masuuliyadda ugu weyn ee hagiddeeda. Hase yeeshee, dhaliisha siyaasadeed ee loo jeedinayo waxay tahay in halkii uu ka dhammaystiri lahaa wixii qabyo ahaa, uu dalka geliyey khilaafyo cusub, isla markaasna uu wiiqay dhismihii hay'adaha iyo kalsoonidii siyaasadeed.

Dadka Soomaaliya waxay muddo dheer rajaynayeen inay ka gudbeen burburkii iyo kala qaybsanaantii hore. Haddii siyaasadda maanta socota ay sii waddo kala fogaanshaha maamul-goboleedyada, khilaafaadka siyaasadeed iyo faragelinta dibadda, waxaa jirta cabsi ah in Soomaaliya dib ugu laabato xaalado ay hore uga soo gudubtay.

Dowladnimo ma aha hal-ku-dheg oo keliya; waa heshiis siyaasadeed, kalsooni, sharciyad iyo awood lagu mideeyo shacabka. Haddii dowladda dhexe ay ku guuldaraysato inay waxyaabahaas dhisto, taariikhdu waxay xukumi doontaa in halkii 'qabyo ninkeed dhammeeyo' laga gaari lahaa, qabyo cusub la abuuray.

Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay hoggaan isu keena, ee aan sii kala fogeyn; heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, ee aan cid gaar ah ku dhisnayn; iyo dowladnimo lagu kalsoon yahay.
Alloow arrimaha Soomaaliya noo sahal.
___________________________________________
[email protected]

